|

Shirweynaha Jaaliyadda Maakhir Ee dalka Sweden oo soo gebageboobay iyo war murtiyeedkii ka soo baxay.

Waxaa ka furmay caasimadda labaad ee dalka Sweden magaalada

Goterborg, Shir weyn oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Maakhir ee

Gobolada Sanaag, Haylaan, iyo galbeedka gobolka bari.

Shirkaas oo ahaa shir wada tashi iyo xog waraysi iyo mid lagaga

arrinsanaayey xaaladda mandaqaddu ku sugan tahay, iyo sidii

     horumar loo gaadhsiin lahaa Degaanadda Maakhir oo looga

     caawin lahaa dhinacyada adeega bulsho iyo dhaqaale oo mid

     waqtigan loo baahan yahay.

     Waxaa shirka xiriiriye ka ahaa Mudane- Saxardiid xassan wuxuu

     ku soo dhoweeyey Siciid Awaare si uu ugu furo Aayadaha Quraan

     ka kariimka ah iyo wacdi kooban oo xiisa badan.

     Ka bacdi , waxaa furay shirka Guddoomiyaha Jaaliyadda Maakhir

     isagoo Guddoomiyuhu ugu hambalyeeyay sida fiican oo sharafta

     mudan oo looga soo qaybgalay shirkan . Shirkan oo ahaa kii 4aad

     ee Jaaliyaddu isugu timaado ama se yeelato.

     Mudane: Carabay ayaa waxa uu xusay Ajandaha shirkan oo ah

     xog waraysi, Wixii qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo waxa

     qorshaysan sannadka soo socda ama innagu soo aadan.

     

     Guddoomiye Axmed carabay waxa u xusay wax qabadka Jaaliyadda

     Maakhir ee dalkan Sweden , wax qabadkaas oo ah sidan hoos ku

     qoran:-

     

     1 – Nursing school , waa mashruuc loogu tala galay in lagu tababaro

           20  Nursing ah oo ka shaqeeya gobolada Sanaag, Haylaan iyo

           galbeedka gobolka bari.Mashrucaas oo ah mid aqoonta iyo

           xirfadda nurses ka kor loogu qaadayo, si bulshada ay wax ugu

           qabtaan.Wuxuu soconayaa muddo dhan  3 - Sanno tababar kaasi.

           

     2 - Qalabaynta Cusbitaalada Puntland oo ay ka mid yihiin Cusbitaalada

           Maakhir, iyadoo uu xusay in qalabkii oo ka kooban ugu yaraan 40 -

            Tan laga rarayo Sweden labada usbuuc oo soo socda waana

            mashruuc ay bulshada Puntland oo dhan ay ka faaiidaysanayso

            sida ay u kala mudan yihiin.Iyadoo weliba Qalabkaasina uu ku

            jiro Qalab loogu tala galay caafimaadka  Ilkaha .

            Guddoomiye Mr: Carabay wuxuu xusay oo uu ku booriyay in lagama

            maarmaan tahay in bulshadu isku duubnaato ayna ka wada shaqyso

            horumarka mandaqadooda iyo bulshadooda.

           

            Waxaa lagu soo dhoweeyay Aaladda warbaahinta oday xuseen saalax

            Mr: Cakaara,oo ka mid ah odayaasha Jaaliyadda Maakhir, oday xuseen

            ayaa xusay in dadaal badan ay qabteen xubnaha Jaaliyadda Maakhir

            oona baahan yahay in intaas laga sii kordhiyo. lana laban laabo dadaalka

            hadda socda si bulshadeena baahida jirta looga haqab tiro.

            Waxaa kale oo uu xusay oday Xuseen Cakaara in loo baahan yahay

            midnimada Puntland iyo sidii loogo taageeri lahaa baaqii uu soo saaray

           Madaxweynaha Puntland Dr: Froole, baaqaas oo ah  Canbaarayn aanu kaga

           soo horjeedno heshiiskii DKMG Somalia iyo maamulka ka jira waqooyi

           galbeed ee la magac baxay Somaliland ,heshiis kaas oo ka dhacay,

           wadanka Imaaraadka magaalada Dubai.

           Waxaa kale oo uu xuseen carbka ku dhiftay in loo baahan yahay sidii

           loola shaqayn laha shakhsiyaadka iyo shirkadaha ku hawlan dhisida

           dekedda laasqoray loona baahan yahay wixii awooda ee lagu kordhin

           karo maadaama ay bulshada Soomaaliyeed u tahay mid dani ugu wada

           jirto .  Walow ay jiraan dad aan raali ka ahayn ,isagoo xusay oo Cambaa-

          -reeyey, weerarkii gardarada ahaa ee maamulka waqooyi galbeed ku soo

           qaadeen maraakiibtii dekedda qalabka u siday, ha yeeshee oday xuseen

           wuxuu ugu baaqay in bulshada degaanku si wada jir ah degaan kooda

           u difaacaan meelna uga soo wada jeestaan cid alaale ciddii ka hor tmaa-

          -da, horumarka degaanka iyo wixii wax u dhimaya.

            intaa ka bacdi, waxaa ka hadashay madasha Xildhibaanad Sahro Jaamac

            Qoorsheel,oo ah Siyaasiyad ruug cadaaya oo ka soo jeeda degaanka

            Maakhir ,Sahro ayaa xustay sida ay ugu fraxsan tahay waxqabdka ka

            socda degaanka Maakhir ee in ay lagama maarmaan tahay in bulshadu

            la shaqayso dawladda Puntland kalana shaqayso dhinaca amniga iyo

            horumarka waxa ay xustay in dadka deegaanka goboladaasi ay soo

            wakiisheen General Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka jiir lagana soo

            diray maraykanka loona xilsaaray Siyaasada iyo Amniga iyo horumarka

            deegaanka ,isagoo hadana ah Wasiirka arrimaha gudaha Puntland

            hadana ay tahay in looga dambeeyo hawlaha uu gacanta ku hayo

            lalana shaqeeyo isaga ee aan loo baahnayn wakhtigan in la mucaarado

            dadaalka uu wado General Cabdullahi Ilka jiir.

     

            Shirkii waxaa laga soo saaray oo laysla soo qaaday sidii laysugu

            Xidhi lahaa Jaaliyadaha Maakhir, meel kasta ay ka joogaan

            adoonka daafihiisa in ay midoobaan oo wada socdaan waxna

            wada qabsadaan, website na samaystaan ay wararka ku kala qaataan

            deegaan koodana wax u qabtaan sandooqna samaysataan.

            gabagabdii waxaa shirka soo af jaray oo ku duceeyey oday

            kuteenbe.

           Jaaliyadda Maakhir,Sweden .

MaakhirNews.com   Sweden    MaakhirNews@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed