Shaqaalo Ajaaniib oo lagu afduubtay Degaano katirsan Puntland
Saraakiisha dhanka Pooliiska ee maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxo hubaysan oo afduubtay shaqaale ajaanib ah oo howlo shaqo ka waday deeganada Maamulka Puntland.
Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Mudug dhanka Puntland Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay ku raadjoogaan kooxahaasi falka afduubka ah ugeestay shaqaalaha ajaanibta ah ee u dhashay dalka Kenya.
Wuxuu sheegay in xilliga la afduubanayay shaqaalahaasi ay la socdeen Booliis islamarkaana rasaas ay fureen kooxaha burcada ay ku dhaawacmeen, isaga oo tilmaamay in dhamaan dadkii kale oo ay ku jiraan labada ajaanibta ah ay afduubteen.
Jaamac Maxamed Axmed taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Mudug dhanka Puntland ayaa tilmaamay in ragga afduubtay shaqaalahaasi ay garanayaan islamarkaana ay yihiin burcad badeed sida uu sheegayna ay soo qabanayaan.
Wuxuu tilmaamay in shaqaalahaasi la afduubtay ay ku howlanaayeen dhisida baraago ku yaalo deeganada Puntland isaga oo tilmaamay in xilliga la afduubanayay shaqaalahaasi ay kasoo noqdeen deegaanka Bacaadweyn halkaasi oo ay howlo shaqo kasoo qabteen.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu afduubta inta badan shaqaalaha ajaanibta ah ee howlaha shaqo u yimaada dalka iyadoo kooxaha afduubka ugu geesta ay dalbadaan in lasiiyo lacago madax furasho ah.

