|

Khilaaf Soo kala dhex Galay madaxda Sare ee Dalka Kenya

Madaxda sare ee wadanka Kenya ayaa isku qilaafsan wada xaajood lala galo Kooxda Mucaaradka ah ee loo yaqaan Mombasa Rebublican Council oo dhawaan Maxkamada dalka ay ka qaaday Mamnuucidii ay Dowladu saartay.

Ra’isul wasaaraha dalka Raila Odinga ayaa qeexay in Dowladu ay diyaar u tahay wada xaajood ay la gasho Kooxda Mucaaradka ah ee ka soo jeeda Gobolka Xeebta ah MRC.
Sidoo kale hadalka Ra’isul wasaare Odinga waxaa la qabo Ku xigeenkiisa Musalia Mudavadi , wuxuuna Dowladu ugu baaqay inay xushmeyso Go’aankii Maxkamada ay Mamnuucida uga qaaaday Kooxdan.
Yuusuf Xaaji Wasiirka Difaaca Dalka Kenya ayaa isaga qaba hadal ka duwan , waxaana uu sheegay in Dowladu aysan wax wada xaajood ah la gali doonin Kooxda Reer Xeebeedka ah MRC .
Maalmo ka hor ayay ahayd Marki Maxkmada Sare ee dalka ay mamnuucidii ka qaaday Kooxda Mombasa Rebublican Council oo ah koox ku kacsan Dowlada kenya, waxayna kooxdaan ku dhawaaqday inay doonayaan inay ka go’aan kenya inteeda kale.
MaakhirNews.com
468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed