|

Iftiinka Munaaradda Marsada Laas Qoray, Cadowgeedu Weji Kasta u Leeyahay Ma ku Daciifin Karo.

Anigoo tixraacaya qoraal ku soo baxay qaar ka mid ah shabakadaha gaarka loo leeyay sida allsanaag.com, somalilandpatriots.com, shacabkamedia.co, oodweynenews.com,halganka.com, hadhwanaag.com,qarannews.com, gaafo.com, waaheen.com,wararkasomalia.com, sonna.net, halganka.com, somali-news.com iyo kuwo kale oo badan cilwaankiisuna ahaa “Laasqoray sun baa lagu aasaya”. waxaan ummada iyo maddaxdeedda, labadaba u caddaynaya “ Annagoo cidkasta uga lexjeclo badan degaankayga”, in warkaasi uu yahay been abuur, war aan jirin, oo ceeb ah oo weliba aad looga xun yahay. Dadka xumaanta jecel baa lagu mashquuliyey inay ku shaaciyaan shebakado hibo u leh xiqdi iyo xumaan. Wararka noocan oo kale ah waa kuwo fidno abuuri kara isla markana dad badan mugdi iyo shacki kala gelin kara. Sidaas-darteed waxaan kula talin lahaa mareegahaas inay ka waantoobaan warka noocaas oo kale ah oo ay qoraan war lagu kalsoon yahay, waana in ay gartaan xilka ay hayaan waajibaadkiisa, arinta caynkan ahina wax ay dhaxal siinaysaa in shacabka Somaliyeed rumaysan waayaan warar badan oo ay qoraan. “Somalida ayaa ku maahmaaha, ( Beentaada hore runtaada danbay u daran tahay)”.     

Warkaas been abuurka ah inkastoo ninkii qoray isla-qummana oo isla-qaayo weyna, wuxuu isu-geystey waxyeelo runtii marka uu dadkiisa su’aalaha badan oo uusan jid ugu lahayn weyddiinayo sida uu yahay dembi-baadhe ka tirsan Boliis ama xeer-ilaaliye degmo oo gal-dacwadeedkiisii  kaga doodaya maxkamad sidii dembi loogu caddayn lahaa eeddaysaniyaal  isagoon soo ban-dhigin wax caddaymo ah, laakiin ku eeddaynaya dembi culus oo aysan samayn lugna ku lahayn. Warkan been abuur ah iyo kuwii ka horeeyey ee la soo mariyey saxaafadda waxay qayb ka yihiin daqaal ka dhan ah horumarka ka bidhaamaya Laasqoray in lagu damiyo.  Laakiin, iftiinka munaaradda marsada laasqoray, cadowgeedu weji kasta uu leeyahay ma ku daciifin karo, sabatoo ah mashruucani, isagaa jid ka leh cadowkiisa madaama uusan lahayn cillad laga wal-walsan yahay oo laga shaki qaadi karo, ama su’aalo badan laga keen karo. Isla marka degaan walba waajibaad u leeyahay in uu  u-istaago fa’iidooyin wax-tar u leh dadkiisa, ayaa aqoonyahano ka mid ah Laasqoray caruurteedii isweydiiyeen waxa ay u qaban karaan magaalo-gurigoodii ay asalka u leeyihiin reer Maakhir oo ah meeshii ay degeen awoowiyasha ay ku abtisadaan. Ka-dibna waa u- istaageen inay wax u qabataan, ayagoo ku bixinaya dhaqaale iyo waqti badan ayey shanta qaaradood u mareen si ay u qaraacaan albaab kasta  oo gacan laga fili karo. Nin hurday mooyee  qof kasta wuu oggaa in kulamo badan, kuwo la shaaciyey iyo kuwo aan la baahin labadaba loo qabanaayey deeq bixiyaal. Si kastaba ha ahatee,  Isku-dayo badan ka dib, nasiib wanaag, ninka naxa iyo mid ku farxaba, Bushada reer Maakhir riyadoodii  waa u rumowday . Ninkii u ba’rigga, xurmay u hayaan, kii xasdana, xal.

Sida la ogsoon yahay,  dismaha dekeddu waa mashruuc muhiimadda u leeyahay si toos-ah  iyo si dadban u saamaynaya  xubnaha bulshadu ka kooban tahay sidaa-darteed nadaamka hawsha loo qabanaayo waxaa go’aamo midaysan ku sameeyey aqoonyahano iyo ma’uuliyiin ku fiican qorsha dejinta. Anagoo ah qaybaha bulshadu ka kooban tahayna ilaa xad waa ku taageernay. ilaa haddana qayb kasta waxay u taagan yihiin inay doorkeedda waajibka ah gutaan ilaa dhammaadka mashruucaas. “Bulshadaas, hal ku dheggodu waa, barbarkay ka baxdaa, waa bakaylo qaleen”.

Ugu dambaytii, sababta igu igu xambaartay qoraalkan:

Waxaa la yiri maalin maalmaha ka mid ah, Cigaal Shidaad oo hurda ayaa subxaanyo ka martay sanka iyo afka dhexdooda, Cigaal waa soo booday isagoo naxsan, yaab iyo argagax la gariiraya. Nin ayaa su’aalay “ war Cigaal maxaa kugu dhacay?” Cigaal ayaa ku jawaabay, “waxaa sankayga iyo faruurtayda  dhexdoodda maray bahal, ninkii ayaa markaas wediiyey muxuu ahaa mahalku?” Cigaal baa ku jawaabay waa subxaanyo”. Oo ma subxaanya wax yeesha dadka?” ayaa ninkii weydiiyey. Maya, waa ogahay inaysan subxaanyo wax yeeli Karin, laakiin waxaan ka baqaya in sankayga iyo faruurtayda dhexdooda noqoto wado halaq mareen ah. Hadda, hadafka qoraalku waa afeef iyo inaan la isku been abuuran mar kale.”

Qalinkii, Cabdalla Faarax Bile

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

3 Responses for “Iftiinka Munaaradda Marsada Laas Qoray, Cadowgeedu Weji Kasta u Leeyahay Ma ku Daciifin Karo.”

  1. Maxamed C/lahi Ducale says:

    waa qoraal aad u fiican oo u jeedadiisu yahay “Yaan la isku been abuuran mar kale”

  2. Muse says:

    Yaab,mareegaas marka ay wax been ah ka qorayaan Dekeddayada ma shaqo kale ayey waayeen.
    Xaasidnimo iyo dhuuso waxba ka qaadimayso iyo subxaanyo war ay qortay toona.
    Ninka qoray haddii la garanayo waa in loo bixiya SUBXAANYO. waxba na qaadi maayo.

  3. xaaji says:

    ADDEER, WAA SIDA AAD U SHEEGTAY ( BARBARKAY KA BAXDA WAA BAKAYLO QALEEN)
    INSHA’ALA WAA HIRGELAYSA, DAD SOMALIYEED OO DHAN AYEY KHEYR U TAHAY.

Comments are closed