|

Faroole &Mahiiga Maxay kawada Hadleyn Daawo Sawirada

Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb.Augustine Mahiga oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa   kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo qaar kamid Issimada.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa inta badan ku saabsanaa arrimaha marxalada kala guurka oo haatan uu muran ka taagan yahay isla markaana dib u dhac ku yimid soo xulista ergada ansixin lahayd dastuurka.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay wada hadleen arrimaha geedi socodka Siyaasadda Soomaaliya sidii loogu soo dhameystiri lahaa iyo soo xulista Xildhibaanada kamid noqonaaya Baarlamaanka cusub iyadoo waqti yar uu ka harsan yahay mudadii loo balamay.

Wuxuu intaas ku daray in si fiican la isla meel dhigay dhamaan wixii ay ka wada hadleen ayna ku balameen in la dedejiyo howlaha geedi socodka ayna Puntland gacan ka geysanayso.

‘’Waxay noogu yimaadeen arrinta Geedi socodka Siyaasadda Soomaaliya lagu soo dhameystiri lahaa,mudo yar baa ka hartay.weli howlihi qaar baa taagan oo ay kamid yihiin ergadii dastuurka ansixin lahayd iyo soo xulidii Golaha Baarlamaanka,arrintaas xog ogaalkeeda noogu yimi waana iska waraysanay anaga (Xukuumadda) iyo Guddiyada aan u qabanay intaba’’

‘’Si fiican baan isla meel dhignay,waxaan ku ballanay arrinta in la dedejiyo sida ugu dhaqsaha badan ugu dhamaaato anaguna dadaalkeena aan ka geysano’’,ayuu sheegay.

Danjire Augustine Mahiga ayaa isna Saxaafadda u sheegay in kulanka uu ku saabsanaa arrimaha Geedi socodka Soomaaliya iyo sidii loo ilaalin lahaa waqtiga iyadoo la dhameystiraayo qorsheyaasha looga baxaayo Kumeelgaarnimada inta aan la gaarin 20-ka bisha August ee soo socota.

MaakhirNews.com MaakhirNews@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed