|

Deg Deg : Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Booliska Puntland oo Caawa lagu Dilay Magaalada Garoowe

Fiidnimadii caawa waxaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland lagu dilaye Allaha ha u naxariistee Taliye Kuxigeenkii labaad ee Ciidanka Booliska Puntland Col. Cabdillaahi Saalax Nadalo.

AUN Col. Cabdillaahi Saalax Nadalo ayaa xiliga la dilaayey ku sugnaa agagaarka Hotel Bulshaale isla markaana waxa la sheegay in uusan wadan wax ilaalo ah xiliga la dilaayey Taliyaha.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa agagaarka Hotel Bulshaale oo Shacabakadda Raxanreeb la hadashay ayaa sheegay in kooxo hubaysan oo wajiyadooda aan soo duuban ayaa rasaas kala dhacay madaxa iyo shafka iyagoona goobta ka baxsaday iyadoona aysan jirin cid qabata.

Laamaha amniga gaar ahaana kuwa Booliska ayaa goobta lagu dilay AUN Col. Cabdillaahi Saalax Nadalo iyagoona bilaabay baaritaano kala duwan,waxaana goobta laga qaaday maydka Taliyaha.

Ilaa hadda majirto cid ka tirsan Dawladda Puntland oo ka hadashay falka dilka ee loo geystay Taliyaha,waxaana ilaa hadda aan la aqoon cida falkaas ka danbeysa iyadoona hadda Ciidanka amnigu wadaan baaritaano kala duwan.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed