|

Dab Xoog Badan Oo Ka Kacay Markab Ku Soo Xidhay Dekeda Berbera

Berbera  Markab ku soo xidhay dekeda Berbera ayaa la sheegayaa in uu dab qabsaday.

Markabkan oo la yidhaahdo Al iimaan oo uu leeyahay Ganacsaddaha Carbeed ee Al Jaabiri, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu dab xoog badani ka kacay isla markaana hadda lagu guddo jiro sidii loo bakhtiin lahaa.

Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo ah Xoghayaha Guud ee dan iyo Duco oo la soo xidhiidhay warbaahinta ayaa sheegay in ololalka markaabkaas meelo badan oo magaaladda Berbera ah laga arkayo.

Kooxda dab-damiska ee Dekedda Berbera ayaa ku hawlan sidii ay u bakhtiin lahaayeen, dabkan ka kacay markabka.

Warkan oo faahfaahsan la soco saacaddaha soo socda.

MaakhirNews.com  MaakhirNews2hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed