Ciidamada AMISOM oo ka howlgaya bartamaha mag. Baydhabo

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo dhawaan halkaasi la geeyay ayaa roondeyn ku sameeyay maanta bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Baydhabo ayaa horaantii sanadkan laga saaray kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamo Itobiyan ah iyo kuwa soomaali ah.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa in ay si buuxda ula wareegaan magaalada, kuwa Itobiyana ay isaga baxaan.
Nolol-maalmeedka ayaa u socda si caadi ah, waxaana ay dadweynuhu ugu dukaameysanayaan, ugana ganacsanayeen si caali ah.




MaakhirNews.comÂ
