Baarlamaanka oo Dood Kulul Ka Yeeshay Maqnaanshaha gobolka Sool ee Ganacta Puntland
Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta dood kulul ka yeeshay ka maqnaansha gobolka Sool gacanata Puntland muddo shan sano isla markaana hadda uu ka arrimiyo Maamulka la magac baxay Somaliland.
Kalafadhiga oo maanta ay goob joog ka ahaayeen inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxa Shir Guddoominaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyadoona muddo laga doodayey maqnaasha muddadada 5-sano ah ee u gobolka Sool ka maqanyahay gacanta Puntland iyo waxa mudada intaas leeg ay Xukuumadu talaabo u qaadi weyday.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa badankoodu ku dhaliileen Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole maqnaanshaha gobolka Sool isla mar ahaantaana aysan wax talaabo ah qaadin mudadii ay Jirtay oo hadda gabaabsi ku dhow iyagoona intaas ku daray in wakhtiga hadda dhiman loo baahanyahay in wax laga qabto arrinta gobolka maqan.
Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hadalo kasoo jeediyey kalafadhiga ayaa sheegay in ay jiraan dad la socda Somaliland oo kasoo jeeda gobolka Sool kuwaas oo u ku tilmaamay in aysan kula socon qadiyad,ra’yi,dhalasho, balse uu yahay nin kula socda hunguri taasina ay tahay arrin musiibo ah.
….””” Waxa jira dad reer Sool ah oo la socda Somalil diidka taana waxa tilmaameysa kalmadii ahayd nin walaalkii doorsaday Ilaahay darajo siin waa marka ninka Soomaali diidka la socdaa nin qadiyad ula socdana maahan nin ra’yi ula socda maahan nin dhalsho ula socdana maahan ee waa nin hunguri kula socda…””ayuu yiri.
Midkalaa isna yiri …. “”” Haddii Xaaladda gobolka Sool laga hadlayana een nin kastaba si bay wax ugu muuqdaan laakiin waxaad moodaa in dadka reer Puntland hal mid ay ka midaysan yihiin garanse la’yihiin meeshii loo mari lahaa een dadka reer Puntland waxay ka midaysan yihiin Sool in ay tahay Puntland, Datuuri tahay ka tirsan tahay maamulka Puntland deegaan ahaan dabeecad ahaan ay reer Puntland tahay carabka waa lala wada dhacayaa hadana waxaad moodaa Sool oo dhan sano  gacanteena ka maqan ilaa iyo haddana aan wax ma aragtay talaabo ah oo laga qaaday aysan jirin in ay kala duwan yihiin hadal haynta Sool sidaynu u hadal hayno iyo sida ay wax u socdaan bal marka u horeysa Baarlamaanka waxan Xasuusinayaa in aynu nahay 66 mudane 66-keenaan ka kala nimid beelo gobolo iyo degmooyin markii aynu hoolka isugu nimid waxa jirtay qodobka 132, qodobkaas waxa weeyaan waxa laynoo dhaariyey dalka iyo awaamiirta Puntland iyo diinta inaynu si daacad ah ugu shaqeyno halkaa waxaynu kaga baxaynaa wixii la oran jiray tuulo iyo reer iyo beel qaran baynu u gudubnay, qranbaana laynoo dhaariyey bal marka u horeysa dhaliilaa jira hadde dad uun baa keenay dadku mawada keeno laakiin marka danbe haddii dhaliisha wax laga qaban waayo dadka wey wada qaataan een waxan uga jeedaa dhaliisha gobolka Sool lama kala laha waana lawada leeyahay nin walow waxana tilmaamaya qodobka 130 ee Dastuurka Puntland….””ayuu mid yiri kamid ah Xildhibaanada.
Mudane kale oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa isan yiri …”” Xaqiiqda markii laga hadlo kalafadhi kasta oo goluhu isugu yimaado xaalada Sool waa lasoo qaadaa waxana loosoo qaadaa inay gacanta Puntlandna ka maqantahay gacan kale oo aan Puntland ahayna ay gashay loona baahanyahay inay dib ugu soo laabato goboladii ama deegaankii ay haybta iyo Dastuurigaba ku ahayd oo ah Puntland ma aaminsani in goluhu fududeysto marnaba ayada iyo meelaha kaloo wax ka jiraanba waxa sida gaarga ah u xanxanteeya oo goluhu mar walba is weydiiyo oo ajandaha lagu soo daro oo sharuucda lagu sameeyo weeyaan,waxan xasuusanayaa xili xilyada kamid ah ayadoo goluhu aad uga qeyreysanyahay in xitaa goluhu go’aan kasoo Jeediyey arrinta Sool.
Xildhibaanada ayaa gabagabada kalafadhiga soo Jeediyey in arrinta maqnaanshaha gobolka Sool ay u taalo Xukuumadda hadda ee Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole isla markaana looga baahanyahay inay xooga saarto sidii ay kusoo celin lahayd taasoo Dastuurka Puntland uu dhigaayo in gobolada iyo Xuduudaha si isku mid ah loo wada difaaco.
Si kastaba kalafadhigii maanta ayeysan kasoo bixin wax go’aan ah,waxana uu u muuqanayey mid aad u Xasaasi ahaa marka loo eego qodobka laga doodayey oo ahaa maqnaansha gobolka Sool balse loo wada balamay in dib la isaga yimaado.
MaakhirNews.com MaakhirNews@hotmail.com
