|

Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil oo booqdey Gobolka Haylaan. Sawiro)

Waxaa maanta booqasho ku yimid xarunta gobolka Haylaan Wasiiro iyo saraakiil oo uu hogaaminayo wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xassan Shire, Taliyaha Argagixiso ladagaalanka Col. Cali Daahir iyo mudanayaal kale oo soo marey deegaano ka mid ah galbeedka gobolka Bari isla markaana la kulmay odayaal dhaqameedka gobolka haylaan iyo galbeedka gobolka Bari isla markaana booqasho ku tagay deegaano ay ka midyihiin bali khadar, af urur, iyo Ceeldaahir, kadibna soo gaarey xarunta gobolka Haylaan ee Dhahar iyagoo halkaasi booqdey xerooyinka ciidanka iyo waliba shirar halkaasi kula qaatey isimada gobolka Haylaan

Wafdigan ayaa shacabka deegaanadaasi kala hadley sidii loo hormarinlahaa arimaha deegaanka, la dagaalanka Argagixisada iyo burcad badeeda iyo sidii ay odayaal dhaqameedkaasi wax ugala qaban lahaayeen, wasiirka amniga ee dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale mar uu wareysi siiyey idaacada SPR ka hadley weerarkii ay Somaliland ku qaadey mashruuca dakada Laasqoray iyo waajibka ka saaran Maamulka Puntland.

Xasuusin: Sawiradaan waa muuqaalo lagasoo qaaday tuulada Af-urur oo hoos timaado degmada Galgala ee Galbeedka Gobolka Bari.

af

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadley in ay u yimaadeen sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya beelaha kala dega Haylaan iyo Karkaar oo ay xurgufyo dhawaan dhex mareen ayaa wasiirka u sheegey idaacada SPR in ay doonayaan soo afjarida arimahaasi.

afka5

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa sidoo kale ka warbixiyey socdaalkoodii galbeedka gobolka Bari ee magaalada Af-urur ayaa sheegey in ay halkaasi la kulmeen shacabka iyo odayaal dhaqameedka. Wasiirka ayaa sheegey in ay goobtaasi la sheegey in ay kooxda Atam ay  yimaadeen goob u dhow aagii ay wasiiradu ku shirayeen markii dambena ay arintaasi beenowday.

DSCF0385

Coll. Khaliif Ciise Mudan wasiirka Amniga ee Puntland waxaa uu mahad u celiyey ciidamada Amniga ee deegaankaasi iyo weliba shacabka deegaanka Af-urur ee Galbeedka Gobolka Bari kuwaasi oo uu sheegay in ay heegan ugu jiraan in ay ka hortagaan wixii Amniga dhabar jab ku ah ee soo wajaha deegaankooda.

DSCF0388

Waxaa uu sheegay in ciidanka halkaasi ku sugan ay yihiin kuwo diyaar u ah oo moraal iyo feejignaan u leh la dagaalanka Argagixisada sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaasi ku daray wasiirka Amniga ee Puntland, Khaliif Ciise Mudan in ay dhamaystiri doonaan waxyaalo yar yar oo dhiman taas oo ay u baahan yihiin ciidamada deegaanka Af-urur.

DSCF0320

Ugu dambayntii waxaa uu baaq u mariyey idaacada bulshada Soomaaliyeed ee SPR dadka deeganada Puntland iyo weliba kuwa Gobollada Haylaan iyo Bari oo uu haatan booqasho ku marayo waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in lagu kalsoonaado Maamulka iyo weliba waxgaradka oo qeyb ka ah horumarinta Amniga, waxaa uu ka codsaday shacabka in ay gacan weyn ka geystaan sugida Amniga ee deeganadaasi.

DSCF0392

DSCF0393

DSCF0312

DSCF0318

MaakhirNews.com  Spr

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed