Dhegayso Xildhibaan Casharo: Qabiil ku Hadli Kara ama Keligii Sheegankaraa Majiro Magacii Biritish SomaliLand ama Italian Somaliland
Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ah ruug cadaa siyaasi soomaaliyeeda ayaa warbixin uu siiyey TV-ga xorta ah SOMALISAT ku sheegey in aan haba yaraatee qabiil khaasa sheegan karin ama aan loola hadli karin dhul ay wada degaan 5 qabiil oo soomaaliyeed, uuna sheegto inuu qabiilkeligii matelo ama leeyahay (Isaaq) dhul waa hore ay gumeysan jirtey dawlad ka mida gumeystayaashii reer yurub ee sida xaqdarada ah ku qeybsadey qaaradii afrika.
Siyaasi Casharo ayaa ka digey in qabiil kamida qabiilada dega waqooyiga soomaaliya ee ingiriisku hore u gumaysan jirey kuna magacaabi jirey Biritish somaliland, uu maanta sheegto qabiil keliya, uuna ku doodo in isagu ku gorgortamayo, bawarka somaliyana qeyb uusan xaq u lahayn sidaa lagu siiyo.
Arintan ayaa imaneysa kadib markii qabiilka Isaaqu siyaasiin kamid ihi ay magaalada Dubai bil kahor kula kulmeen madaxweynaha dawlada kumeelgaadhka ah Sheekh Shriif, kana dalbadeen iney u wada hadlaan waqooyi iyo Koonfur, iyagoo ku andacoonaya iney iyagu (Qabiilka Isaaqu) metelaan waqooyiga Somaliya oo dhan, oo ah wixii leysku odhan jirey Biritish Somali Land.
Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa ilaa hada waxaa dhacay hal kulan oo ka dhacay London. Shirkaa ka dhacay london ooy cadaatey in dawladii gumeysiga ee Ingiriisku weli lugweyn kuleedahay dulmintan cusub ee lagula kacayo afartii qabiil ee kale ee aan Isaaqa ahayn, ee daga dhulkii leysku odhan jirey Biritish somaliland.
MAAKHIRNES
Faahiye Ciise Garaad
