Dhageyso—Madaxweyne Faroole “Somaliland soomaaliya ayay qayb ka tahay, kulanka Siilaanyo iyo Shariif wuxuu ahaa mid gooni iyaga u ah”
Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ka hadlayey kulankii Madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo ku dhexmarey Dubai ayaa cadeeyey in kulanku uu ahaa mid meesha lagu abaabuley uusana aheyn mid qodobo muhiim ahi kasoo baxeen, ” labada dhinac ay Dowlada Emaaraatka ka codsadeen iney is arkaan, qoraal yar oo aan cidna wax tareyn ayaa ka soo baxay kulanka, ka dibna sawiraa la iska qaadey, Hadee Dhinaca Soomaaliland wafti balaaran bay ku yimaadeen Shariifna dhowr nin baa la socdey” ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Wareysigaan oo Madaxweyne Faroole siiyey Idaacada BBC wuxuu kaloo yiri “Wixii aanaan anagu ku jirin marna ma taageereyno anagu, waxa Dubay ka dhacay waxay ahaayeen Siilaanyo oo aqoonsi Doonaya iyo Madaxweyne Shariif oo tartan doorasho ku jira”.
Madaxweyne Faroole mar wax laga waydiiyey aragtidiidsa kulanka dhex marey Madaxweyne Shariif iyo Silaanyo wuxuu yiri “Waxay taasi ku xiran tahay wixii la sheegey, Anagoo hoolka Wada fadhina dhamaantayo ayay Madaxdii shirka qaban qaabinaysay(Shirka Burcad Badeedka) bay ka codsadeen iney kulmaan labada dhinac ka dibna Sawiraa la iska qaadey, Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii Burcad badeedka Somaliland waxay loo aqoonsadey qayb kamid ah Soomaaliya.”
Iskusoo dubaa kulanka ka dhacey shalay dubai wuxuu ahaa mid xaqiiqdu ay tahay in Soomaaliland ay ka quusatey raadintii gooni isu taga, waxayna hada ka dib wax la qaybsanaysaa Soomaalida kale, qodobada ka soo baxay ayaa ahaa kuwo aanw ax nuxur ahi ku jirin, Kulankaan marnaba loogama hadlin Midnimada soomaaliya.
Wareysigii oo dhamaystiran hoos ka dhageyso
Mobilka ku dhagayso
Maakhirnews
Faahiye Ciise Garaad
