|

Ciidamada Dowlada iyo AMISOM oo la wareegay Degmada Balcad.

Muqdisho(SPR)Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Balcad ee Gobalka shabeelaha dhexe.

Ciidamada dowlada ayaa saaka aroortii waxay dagaal ku qaaden fariisin ciidamada Alshabaab kaga sugnaayeen degmadasi ayaa la sheegay inay ugu suurto gashay la wareegitaanka degmada balcad ee Gobalka shabeelaha dhexe.

Saraakiisha ciidamada horboodayo ciidamada dowlada ee weerarka ku qaday degmada Balcad ayaa sheegay inay durba fariiso ay ka dhigteen duleedka degmada balcad ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaabka ku sugan Shabeelaha Dhexe.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowlada maanta gacan ku heynta degmadaasi,waxaana la arkayay ciidamada dowlada oo fariisimo ka dhigaya sladhiga degmada iyo buundada laga galo degmadasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab waxaana wararka sheegayan in ciidamada Alshabaab ee ka cararay degmada Balcad ay afka aadiyeen Degmada Jowhar.

Maakhirnews+Samali puplic  radio

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed