|

Beesha Gaashaanbuur (Warsanagli) Oo Shir Ku Yeelanayso Gobolka Ohio

Shirkwaynihii beesha Gashaan-buur ay ku yeelan lahayd sanadkan Magalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa dhicidoono 07/07/2012, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno katirsan gudiga qaban qaabada shirkaasi.

Waxaana shirkaasi uu yahay mid ay Odayaasha iyo Waxgaradka beesha ee kunool waqooyiga America uga xaajoonayaan arrimaha dhinaca horumarka guud ee dalka iyo isku xirka beelaha gaashaanbuur ee Waqooyiga America.

Deeq C/raxmaan Saciid (Galeyr) oo xubin ka ah gudiga qaban qaabada shirkani oo aan wax ka waydiinay arrimaha shirkaasi iyo waxyaalaha ay beeshu uga hadlayso, ayaa u sheegay idaacada SPR inay tahay ujeedada shirkani horumarinta degaamada beeshu ay degto, midaynta beelaha Gaashaanbuur iyo sidii loogu gogol xaari lahaa shirweyne dhawaan lagu qaban doono degmada Buraan ee gobolka Haylaan.

Deeq C/raxmaan Saciid (Galeyr) ayaa sidoo kale ugu baaqay qaybaha kaladuwan ee jaaliyada beelahaasi in ay kasoo qayb galaan shirkaasi oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Xasuusin: Idaacada Bulshada Somaaliyeed ayaa waraysiyo, sawiro iyo barnaamij gaar ah ka diyaarin doonto shirkani oo lagasii dayn doono mowjada Idaacada SPR ee kasoo gasho gobolka Haylaan ee 89.5 FM.

Wixii faah-faahin ah oo ku saabsan shirkani kala xiriir:

Mudane Cismaan Ducaale Cali (Qaayib): 614-260-6256
Mudane Deeq C/raxmaan Saciid: 651-347-3238
MaakhirNews.com
468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed