|

Taariikh Nololeedkii Madaxweynihii Hore ee DKMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed

Allah ha u naxariistee waxaa xalay cibistaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka. ku geeriyooday madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa taariikh nololeedkii Marxuumka oo kooban laga soo bilaabo 1934-kii illaa 2012.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku dhashay meel u dhow magaalada Wardheer ee dhulka Soomaali Galbeed, 15-kii Disembar sanadkii 1934.

Cabdullaahi wuxuu ku biiraya ciidamadii Talyaaniga sanadkii 1950-kii xilligaasi oo uu wadanku ku jiray gumeysi wuxuuna halkaasi ku heley derejada xidigle ciidamada gumeysiga.

Markii la sameeyey dawladii ugu horeysay ee Soomaaliya wuxuu ka mid noqday ciidamadii militariga ee qaranka Soomaaliya. Wuxuuna ka mid noqday saraakiishii ka qeybqaadatay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia dhexmaray 1964-kii halkaasoo dalacsiin uu ku muteystay.

- C/laahi wuxuu ka mud noqday koox saraakiishii ciidamada oo ka hortimid xukunkii Maxamed Siyaad Barre, waxayna u baxsadeen Ethiopia, iyagoo Sanadkii 1978-kii aas aasay Jabhadii ugu horeysay ee mucaarad ah SSDF (Jabhadda Dimuqraadoga ee Badbaadinta Somaaliya).

C/laahi waxaa sanado ka dib xiray dawladii Ethiopia oo uu u xirnaa ku dhowaad 10 sano. Waxaana la soo siidaayey 1989-kii isagoo dib ugu laabtay deegaankiisa Puntland halkaasoo uu ka bilaabay olole siyaasadeed.

Horraantii 1990-meeyadii ayaa caafimaad loogu qaaday wadanka Ingiriiska, waxaana markii dambe qaliin lagu sameeyey looga bedelay beerkiisa kaasoo ay ku baxday lacag kor u dhaaeysay $100,000 doolar.  C/laahi mar uu ka sheekeeyey wuxuu sheegay in beer 20-jir ah loo geliyey.  Laakiin sanad kasta labo heer ayuu tegi jiray dhakhtarkiisa gaarka ah.

Sanadkii 1998 wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Puntland ee lagu dhisay shirkii Garowe.

- Sanadkii 2002 wuxuu dagaal la galay madaxweynihii ay baarlamaanka Puntland doorteen ee Jaamac Cali Jaamac isagoo markii dambana dadaal weyn u galay inuu la heshiiyo, wuxuuna xukunka ku wareejiyay Gen Cadde Muuse Xersi.

Sanadkii 2003 wuxuu ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyey shirkii Eldoret Kenya ee looga hadlayey talada siyaasada Soomaaliya. Waxaana 10-kii October 2004 Magaalada Nairobi loogu doortay madaxweynaha DFJKMG ah oo ahayd markii ugu horeysay oo nidaam federaal ah Soomaaliya loo sameeyo.

18-kii September 2006 ayaa C/laahi Yuusuf uu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo.  Waxaa weerarkaasi ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro walaalkii C/salaam Yuusuf Axmed iyadoo ciidankiisu ay dileen lix ruux oo uu ku sheegay inay ahaayeen al Qaacida.  Weerarkaasi waxaa lagu eedeeyey ururkii Maxkamadaha Islaamiga oo iyaguna iska beeniyey.

- 29-kii Disembar 2008 markii khilaafaadyo waaweyn ay ka dhex abuurmeen C/laahi Yuusuf iyo dawladiisa raggii ugu sareeyey wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warqadii iscasilaada ka hor akhriyey baarlamaanka KMG oo joogay Baydhabo xilligaasi.

- Tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu xukunka ka degey wuxuu ku noolaa magaalada Sanca ee wadanka Yemen halkaasoo magangelyo siyaasadeed uu ku siiyey ninka ay saaxiibka ahaayeen ee Cali Cabdalla Saalax.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed