|

Xaalad Dagaal oo maanta kataagan Gobolada Baay&Bakool

Sida shegayaan wararka aan kaheleyno qeybo katirsan Gobolada Mataanaha ah ee Baay iyo Bakool ayaa shegaya in xaalada kacsanaan halkaasi kajirto kadib markii cIidmada katirsan itoobiyaanka usoo dhaqaaqeyn deganadaas dhanka Gobolada Bakool iyo baay.

Ciidamada Itoobiyaanka oo maalinimadii shalay kasoo baxay qeybo katirsan gobolka Gedo aya lasheegay in xaalad kacsanaankajirto degaanka Yeed halkaas oo shabaab isku aruursanayaan wallow shabab difaacyo aad u adag ka galeen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Xaaladaan kacsanaan ayaa kataagan Degmada Ceelbarde oo ay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay ka wadaan Xoogaga Shabaab, kuwaa oo qorsheynaayaa inay dagaalo ugala hortaggaan Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee ku soo wajahan qeybaha kale ee Gobolka Bakool.

Wararka ka imaanaaya Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegayaan in maanta ay isku mindiyo soofeysanayaan Xoogaga Shabaab iyo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ay la-socdaan boqolaal ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Isku sowada duub Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay soo gaba-gabeen doonto Xoogaga Shabaab, ayna dagaalo xoogan uga saari doonto Gobolada Baay iyo Bakool, oo ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab.

MaakhirNews.com
468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed