|

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole yaa goor dhawayd ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Ee Magaalda Garowe

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole yaa goor dhawayd ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Garowe, iyagoo kusii hakanaya caawo jabuuti, Waftiga waxay ka kooban yihiin  Madaxweyne Faroole ,Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilahi Axmed Jamac Ilkajir ,wasiirka waxbarashada Dr.Cabdi Farax Siciid Juxa ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr. Cabdulqa Cabdi Xaashi.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdullahi Warsame oo waftiga London ka mid ah ayaa iminka howlo shaqo u jooga Nairobi waxayna waftiga maanta ka ambabaxay Garowe ay ku kulmi doonaan London.

Dhinaca kale wafuudii ka qayb galay shirkii Garowe 2 ayaa maanta bilaabay inay dib ugu noqdaan melahay ka yimaadeen, Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisal wasaare Cabdiwali waxay dhoofeen duhurkii, Diyaarado kale waxy u duuleen Nairobi halka wafuuda hada haray ay dhoofayaan Bari.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed