|

Siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad siyaabo kala duwan uga hadlay natiijada ka soo baxday shirkii lagu soo afjaray Garowe

Shirkii dastuurka iyo arimaha federaalka ee habeen hore lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe oo ay ka qeybgaleen dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxaana xubnaha ka hadlay shirkaasi ka mid ah Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo kuwo kale.

Xubnahan oo aragtiyo kala duwan ka bixiyey shirka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in shirkaasi uusan quseynin haba yaraatee Ummadda Soomaaliyeed, uuna horseedi doono dagaalo Soomaaliya ka curta mar kale, maadaama buu yiri cadaalad darro weyn uu yahay, ummadda Soomaaliyeedna aan si siman looga qeybgelin, isago xusay in wixii ka soo baxay ay dhibaato hor horseedi doonaan.

Sidoo kale shirka waxaa ka hadlay nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo sheegay inuusan quseynin wixii ka soo baxay shirkaasi, isla markaasna dad gaar ah loogu daneynayey, wuxuuna ku xusay in kooxihii isugu tagay shirkaasi in aysan metelin shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna waxa uu sheegay in nin xukun raba uusan xal u raadin Karin Soomaaliya, waxaana ku baaqay in shirweyne Soomaaliyeed oo dhan ay u dhantahay la isugu yimaado, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirka ayaa sheegay in wax wanaagsan ay ka soo baxeen shirka, balse aan la dhihi Karin waa go’aanadii ugu dambeeyay ee xal looga gaaray arrimaha Soomaaliya, waxyaabaha ka dhimanna loo baahanyahay in lagu daro, kuwa aan la qaadan karinna laga saaro, wuxuuna intaasi ku daray in qodobadan ay wax weyn iska bedelayaan marka la tago shirka Ingiriiska.

Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa gunaanadkii shirkaas ka sheegay in in shirka uu yahay mid taariikhi ah, isla markaasna ay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed inay taageeraan, isagoo xusay inay jiraan dad shirka ka maqan hase ahaatee ay iyagu matelayaan, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi isagu uu markii hore ka soo horjeeday, ayna bilaabeen xilligaasi Shariif Xasan iyo Faroole, hase ahaatee markii dambe ay garowsadeen in shirka uu waddo sax ah ku socdo.

 

 

MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com  Ahmed ali

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed