|

Shirka wadatashiga qaybtiisa labaad oo caawa lasoo gaba gabeeyey.

Shirka wadatashiga qaybtiisa labaad ee looga hadlayay dhamaystirka dastuurka qabyada ah iyo nidaamka Federalism-ka ayaa goor dhowayd oo caawa lasoo gaba gabeeyey.

Wararka aan ka helayno hoolka uu kasocday Shirka ayaa sheegaaya in ergada ka qaybgalaysa ay isku raaceen qodobadii laga dooday,waxaana jirey muran iyo khilaaf dheeraaday oo la isku mari waayey tan iyo galabnimadii maanta.

Khilaafka ka dhashey ergada ayaa soo gaartay ilaa ku dhowaad saqda dhexe ee caawa iyadoo markii dambe lagu guulaystay in xal laga gaaro kadib markii madaxda sare iyo masuuliyinta Beesha Caalamka dadaal sameyeen ayna jirtay cadaadis la saaray ka qaybgalayaashi.madaxda sare ee dhinacyada ka qaybgalaaya shirka ayaa saxiixay qodobada laga soo saaray.

War murtiyeed ayaa lagu wadaa in laga soo saaro goor dhow iyadoo loo ogolaaday Saxaafada in ay soo galaan hoolka Shirarka isla markanaa loo gudbin doono qodobadii kasoo baxay ama lagu heshiiyey.

Ergada Galmudug iyo Ahlu-Sunnah Waljameeca ayaa mar qura kawada baxay shirka iyagoo ka hor imid qaabka loo wajahaayo guddiga dastuurka iyo nidaamka Federalism-ka sida ay noqonayso.

MaakhirNews.com Garoowe

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed