|

Saraakiisha ugu sareysa Xarakada Al-shabaab oo kulan xasaasi ah ku leh magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socday ilaa xalay kulan xasaasi ah ay leeyihiin qaar ka mid ah madaxda iyo saraakiisha ugu sareysa Xarakada Al-shabaab.

Kulankan ayey wararku sheegayaan in looga hadlayey qaabkii ay xarakada Al-shabaab uga hortegi laheyd dagaalada iyo weerarada kaga soo wajahan ciidamada Itoobiya, kuwa Kenya iyo kuwa DKMG Somalia oo is garabanaya gaar ahaan waxay si gaar ah diirada u saareen weerarka ciidamada Itoobiya ay ku soo qaadeen gobolka Bay.

Saraakiishan oo wararku ay sheegayaan in weli kulankoodu uu ka socdo magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soo baxay qodobo hordhac ah oo ku saabsan qaabkii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada jihooyinka badan kaga soo wajahan, wax badana lagama oga qodobadaas hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in ay ka mid ahaayeen in magaalooyinka qaar laga saaro ciidamada, ka dibna la bilaabo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Saraakiisha kulankaas ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Xasan Daahir Aweys Shiikh Xasan Turki, Shiiikh Xasan Yacquub, afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Sh.Cali Dheere) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Al-shabaab waxaana kulamada ka socda halkaas ay yihiin kuwo aan loo kala kicin, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in masuuliyinta ka qeyb gashay kulankaas loo kala magacaabay guddiyo difaac iyo kuwa xaaladaha deg deg ah.

Kulanka xasaasiga ah ee masuuliyinta ka tirsan Al-shabaab uga socda magaalada Kismaayo ayaa ku soo aadaya xili xiisado dagaal ay ka jiraan degaano ka tirsan gobolka Bay ka dib markii ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah ay weerar ku soo qaadeen gobolkaas ayna la wareegeen degmada Berdaale iyo deegaano ka tirsan oo gobolka Bay iyagoo haatana ku fool leh magaalada Baydhabo

 

 
MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com  Ahmed ali

 

 

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed