|

Safiyo Aw Axmed Xaaji Maanso Gaaban oo Magaceeda aan u bixiyay Soomaalaay Waa la Yaabe

Shaqaalaha shabakada Maakhirnews.com oo aan aad iyo aadna ugu mahadcelinayo uguna hambalyaynayo sida wanaagsan oo hagar la,aanta ah ee ay bulshada
soomaaliyeed ugu shaqaynayaan. Waxaan kaloo ayagana halkan ka salaamayaa dhamaan umada soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan, waxaan jeclaystay caawa
inaan idinla qaybsado oo soo gudbiyo maanso gaaban oo magaceeda aan u bixiyay “Soomaalaay waa la yaabe” si,aad iila qabysataan shucuurta iyo fikirka

Sagaashan su,aalo baas ah
Sideetan sifaalo guud ah
Sabciinka balaayo gaadhay
Soomaalaay aan sifeeyoo
Sidaydii soo dareershee
Saqmiga cudurkii qabiilku
Suntii uu nagu afuufay
Sumbaaxdiyo siifadiisu
             @ @ @
Haday seedaha na goysay
Sadrigu uu boogo yeeshay
Saabaankana milil na jiifo
Sakaarku na haawanaayo
Simaha ka dhaqaaqi waynay
Sagaal boqoloo wasiiriyo
Sideetan ra,iis la doortay
Sagaashan isteed la taagay
Sideed boqol baarlamaana
Sabciin caasumado gaaray
Soomaaliya loo sameeyay
Soomaalaay waa la yaabe
Sidee baan damacday heedhe?
            @ @ @
Salkiyo aan aado hoosoo
Su,aalahan aan la yaabay
Sahwiga igu beeray heedhe
Sadrigu uu ila bukooday
Saqdii dhexe aan la toosay
Salaadii aan la salalay
Soomaalida aan u sheego
Si,ay uga soo jawaabto!!!
            @ @ @
Salaadiintiyo duqaydoow
Sikhiga diinta u shaqeeyow
Sarkaalada dowlad sheegtiyo
Sagaalkii boqol wasiiroow
Sideetankaygii ra,iisoow
Sideed boqol baarlamaanow
Sabciin caasumadahaygoow
Sagaashankaygii isteydoow
Sirqada aan cidi maqlayneey
Saqiirka la quursanaayoow
Sahrada gaaladu rifaysaay
Samiirada ay dhibeeneey
Sucdida ay fara xumaysaay
Silcaye soomaali wayneey
Sidaydaan yaa dareemay?
             @@ @
Sababta,aan u seexan waayay
Silica aan u sheeganaayo
Su,aalahan hoose weeyoo
Sadrigu uu tabanayaaye
Saqiirkeenaas la dooxay
Sirqada aan loo turaynin
Hooyada saxariirtay heedhe
Sodohda aan laga xishoonin
Sikhiga culimada la laayay
Seedaha shacabkaas la gooyay

Sahrada gaalku uu qafaashay
Samiirada uu kaxaystay
Siduu doonaba ka yeelay
Sucdida uu faraxumeeyay
Soomaalaay waa la yaabe
Billaahiye yay sugaayaan?
Sinjiga dhumayoo halaabay
Sowraca aabee la dayrshay
Summada hooyee la tuuray
Soomaalidan sheegadkeeda
Sariigtiyo ceebtu fuushay
Siq-siqa aan u inkirayno
Sumcada silicdoo halowday
Safaaradahaan la seexdo
Sarkhaamadu ay ku hoydaan
Sodonka sano aan shaqaynin
Sareeyow calankan hoogay
Safaadkiyo saxalku qaaday
Sagxada yaaloo barooran
Soomaalaay waa la yaabe
Billaahiye yay sugaayaan?
              @ @ @
Suntaa bada lagu shubaayo
Salkeeda naloogu duugay
Sadkeeniyo soohdinteena
Saadkeena la baaranaayo
Sanduukhyada lagu guraayo
Safroo doonyaha la saaray
Suuqyada laga iibsanaayo
Sagaarada layska qaatay
Saryan-ka newyork la geeyay
Saantii gerigiyo biciidka
Sartiisa shabeelka soohan
Sacuudigu uu xantoobsan
Subaga aan shilin la siisan
Sidii doonaba la dhuuqo
Sabada aan loo turaynin
Soomaliyadaan dhamaatay
Soomaalaay waa la yaabe
Billaahiye yay sugaayaan?
             @ @ @
Kuwaa suxulduubka rooray
Safroo galay sabad qaxooti
Sareedada cayrta mooday
Seeraha gaaladu ku ooday
Sidey sacabada u dhigayeen
Silcow gaalka u baryaayeen
Sariigtii ay ka guudhay
Sartii jaahuna ka duushay
Silcoo socodkii ku daalay
Safaadoo lagu qoslaayo
Soomaalaay waa la yaabe
Billaahiye yay sugaayaan?
             @ @ @
Silica soomaali haysta
Sinaba uma koobmayee
Su,aashii ugu dambaysay
Sawaaxiligii ku laayay
Sankaa wayntii duqaysay
Saqiirada kaa xasuuqday
Sirqiyo sabi kaa dhamaysay
Sahrana duhurkii kudaysay
Samiirana casarka fuushay
Sucdina kaa fara-xumaysay
Sanaawiga kuba gumaaday
Sabanti-saban eersanaaya
Sinaba aan noo turaynin
Surgooyadu naga dhaxaysay
Sinjiga gaalkii cadaanka
Saliibiga noo heshiiyay
Sirtiyo saaquu maleegay
Saliga uu kuu dhigaayo
Sideebaad ugu riyaaqday??
            @ @ @
Soomaaliya qaybinteeda
Sagaal boqol oo saboola
Sanaawigu ugu horeeyo
Sawaaxili uu hor boodin
Sankaawayn burundi joogto
Suudaanoo quud ka raadin
Sirtaa laga soo shaqeeyay
Saliibigu uu shirqoolay
Saxiix oo kaalay daawo
Sidaan kuu yeersho qaado
Su,aalana dooni maayoh
Soomaalaay waa la yaabe
Sidee baa loo ajiibay?
            @ @ @
Sidii janadii la sheegay
Saloolna la qaybinaayo
Saliid iyo badar la boobin
Saraakiishaa qamaamtay
Salaadiin kaba horaysa
Sag-saagaa sii baqoolay
Sagaalkaa boqol wasiiriyo
Sideetan ra,iisu dowlo
Sagaashan isteedyo buuxa
Sideed boqol baarlamaana
Sadex boqol calamo gaaray
Sabciin caasumado dhaafay
Sodon-sano dagaalamaayay!
Saqmiga cudurkii qabiilku!
Suntiisii uu ku faafshay
Siyaasadu kala kaxaysay
Seefiyo waran uun ku faana
Sinnaba isku aaminaynin
Sadex-saacoo shir guud ah
Sirqiyo sikhi lagu casuumay
Saqiiriyo sabiba joogo
Sidee bay ugu heshiinin?
Soomaalaay ma waalateen?
Sidaasi macquul miyaa?
Soomaaliya qaybsigeeda
Salliga kaalayoo i daawo
Saxiix baan doonayaaye
Suulkiyo farahaba ku jiida
Sidaan kuu yeersho qaado
Su,aalana dooni maayoh!
Soomaalaay sow ma joogto?
Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed