Madaxweyne Sheikh Shariif oo u duulay magaalada Garoowe
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa wax yar ka hor ka duulay magaalada Muqdisho isagoona u duulay magaalada Garoowe oo ay ka socota qaban qaabadii u danbeeysay ee lagu soo xiray shirkii Garoowe 2
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku weheliyo xubno wasiira ah kuwaa oo doonayo in ay ka qeyb galayaan xiritaanka shirka iyadoona wafdiga madaxweynaha ay ka horeyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladiisa sida gudoomiyaha baralmaanka xilkiisa lagu mursansanyahay iyo wasiirkiisa koowaad
Magaalada Garoowe ayaa xiligaa moodaa in eraboorkeeda ay aad u camirantahay oo ka soo dagayaan masuuliyiin ka socda beesha caalamka sida wadamada Yurub ,Afrika iyo Carab ah kuwaa oo dhamaantood doonayo in ay ka qeyb galaan xiritaanka shirka Garoowe
Wafdiga madaxweynaha ayaa la ogeen intoow joogayo magaalada Garoowe waxaase lagu wadaa markay soo afjaranto xaflada in uu deg deg ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho oo xiligaan foolaneysa dagaal
MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com Ahmed ali
