|

Ciidamo fara badan Itoobiyaan oo ku wajahan deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool

Ciidamo fara badan Itoobiyaan oo xalay ka soo dhaqaajiyay degmada Doolow ayaa ku soo wajahan deegaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo ciidamadan ku hubeysan yihiin in ka badan 30-gaadiidka dagaalka.

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa soo gaaray deegaanka Bohol Bashiir iyo deegaan kale, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadan shalay gelinkii dambe la kulmeen weeraro iska caabin ah oo lagala hor yimid.

Dadka ku nool Luuq ayaa sheegay in ciidamo fara badan oo aan horay u arag ay u gudbeen dhanka wadada aada Gobolka Baay, iyadoo ciidamada doonayaan inay ku dhaqaaqaan deegaanka Yurkud oo u dhaxeysa Bay iyo Luuq.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay u kala jiheysteen deegaanada Bay iyo Bakool oo ah labo gobol oo ay ku xoogan yihiin Shabaab.

Ciidamada Itoobiya oo labadii todobaad u dambeeyay ku soo qul qulayay magaalada Luuq ayaa qorshahooda yahay sidii ay u qabsan lahaayeen magaalada Baydhabo oo xarun u ah Gobolka Bay.

Al-Shabaab oo dhowaan ku biirtay Al-Qaacida ayaa wajaheysa culeysyo ballaaran oo dhanka milateriga oo meelo badan ka soo fuulay, gaar ahaan Gobolada Koofur Galbeed oo ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay soo galeen.

maakhirnews

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed