|

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Baydhabo

Wararka naga soo gaarama Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in ay Magaaladaasi Gashay Gacanta Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo aad u fara badan ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Baydhabo gaar ahaan Saldhigga Magaalada.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaan wax iska caabin ama dagaal ah kala kulmin ururka Al-Shabaab ee halkaasi ka arriminayey.
Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa qirtay in ururka Al-Shabaab lagala wareegay Magaalada baydhabo ayna gashay wax ay ugu yeereen Cadawgooda.
la wareegintaanka Magaalada Baydhabo waxaa saxaafadda u xaqiijiyey C/fitaax Ibraahim Geeseey guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Dowladda KMG Soomaaliya.
waxa uu sheegay in si buuxda ay gacanta ugu hayaan Magaalada Baydhabo ayna damaanad qaadayaan ammaan magaalada Baydhabo, isagoo intaa raaciyey in wax dagaal ah aysan kala kulmin Al-Shabaab oo markii ay Magaalada dhinac ka soo galeen ay isaga bexeen.
Wararku sidoo kale waxa ay sheegayaan in Ciidamada ururka Al-Shabaab ay iska bexeen Magaalada iyaga oo wax rasaas ah ridin Magaalada ayaa waxaa haatan gacanta ku hayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Ilaa iyo hadda lama oga talaabada xigta arrintan balse waxaa la xaqiijiyey in Magaalada Baydhabo ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo is biirsanaya.
MaakhirNews.com
468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed