|

Baaq Taageero Jaaliyadda Kuwait Ee Reer Maakhir

Anagoo ah wax garadka iyo odayaasha jaaliyadda maakhir eek u dhaqan Kuwait waxa aanu si weyn u taageeraynaa cid kasta oo degaanka Maakhir horumarkiisa ka shaqaynaysa, waxa aanu si gaar ah u taageersnahay barnaamijka iyo qorshaha horumarineed ee uu bishii la soo dhaafay la tegey degaanka aqoon yahan Faysal Axmed Yuusuf(xawar), waxa aanu cambaaraynaynaa cid kasta oo ka hortimaadda maslaxadda caamka ah,¬† dadka caadaystey markii wax umadda dan u ah la soo hadal qaado ku andacoonaya haddii aannaan ka dhex muuqan ma ogolin,¬† waxaa aanu ku boorinaynaa dadka wax garadka¬† degaanka iyo odayaasha in laga hor tago meelna looga soo wada jeesto dadka danaha gaarka ah wata ee maslaxadda umadda is hortaagaya,¬† in aynu ka xorowno caadada xun ee ah “looma dhamma ” oo ah tan inna ragaadisay dadkana inaga reebtay.

Xubnaha baaqan taageerada soo saaray waxa ay kala yihiin:

1.   Oday  Xuseen Muuse Jaamac

2.   Axmed Jibriil Qablan

3.   Naasir  Yaasiin Sheekh Saalax

4.   Ismaaciil Saciid Bootaan

5.   C/rasaaq Cali Maxamed

6.   Cali Maxamuud Cali Bayr

7.   Cisaam Xuseen Muuse

8.   Saciid Ismaaciil Himbool

Waxaanu ilaahay uga baryeynaa in uu umadeenna niyadeeda isu soo jeediyo oo dantooda tuso meel ay joogaanba.
Guddiga Jaaliyadda Maakhir ee Kuwait Ee Maakhir …,MaakhirNews.com
468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed