|

Munaasibad balaadhan oo ay Soo Abaabuleen Gudiga Iskuulka Sare ee Al-Furqaan Magaalada Badhan Daawo

Badhan Munaasibad balaadhan oo ay soo Abaabuleen Gudiga Iskuulka Sare ee Al-Furqaan oo Kaashanaya Ardayda Iskuulkaasi ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Iskuulkaasi Magaalada Badhan, Ujeedka Xafladaasi ayaa lagu Micneeyay inay tahay  Qabashada iyo Oogida Todobaadka iyo Bandhigida Dhaqanka Somaliyeed ee Hidaha Loo Yaqaan.

Xafladaasi waxa si Gaar ah u soo Abaabulay Ardayda Fasalka Sadexaad ee Iskuulka Al-Furqaan waxana Goobtaasi lagu soo Bandhigay Aqal Soomaaliga ay Caanka ku Yihiin Reer Guuraaga Somaliya sidoo kale Hablaha Ayaa soo xidhay Dharka Hidaha iyo dhaqanka  Lagu Yaqaan Hablaha Somaliyeed, Dhiilo, Haamaha Biyaha iyo Hadhuubka Caaanaha, Gaawaha Geella lagu Maalo ayaa Goobtaasi lagu soo Bandhigay.

Dadkaasi Hadalda ka Jeediyay waxa ka Mid ahaa Maamulka Gobolka, iyo Kan Degmada sidoo kale Maamulaja Guud ee Iskuulka Al-Furqaan Cabdi Casiis Axmed Saalax ayaa Hadal Dhiiri galin ah ka Jeediyay.

Ardaydii Halkaasi ka hadashay ayaa u Mahadcelisay Ustaad Cali Xasan Somaali oo ahaa Qofkii Ardayda ka Caawiyay Barnaamijkaasi.

Ardaydii khudbadaha jeedisey ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Xasan Cabdi
oo maanso jeediye , C/raxmaan Maxamed Muuse iyo C/risaaq Siciid Faarax
dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ah : Axmed Shiikh Saalax,
Siciid Maxamed Ismaaciil ( Goodir ) , Maamulaha iskuulka C/casiis
Axmed Saalax, Sucaad Xasan Carraale , Faadumo Axmed Dhahar, Siraad
Dhillood Ibraahim, iyo Guddoomiye ku xigeenka golaha degaanka marwo
Zaynab Cabdi Aar oo kulanka soo geba-gebeysey.

MaakhirNews.com /M Ciyoon  /Badhan , Sanaag

 


 

 

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed