|

Arsenal Oo dhulka ku jiiday Chelsea iyo tageerayaasha Chelsea oo wala waayay meel ay kabaxeen

Ciyaaryahan Robin Van Persie ayaa sadex gool dhaliyay iyadoo Arsenal ay 5-3 ku garaacday kooxda Chelsea ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Laacibka reer Holland ayaa labo gool oo xilli danbe ah dhaliyay oo midi uu ka faa’ideystay qalad uu sameeyay John Terry, iyadoo Gunners ay labo jeer hogaanka ciyaarta dib u la soo laabatay iyagoo helay guushoodii ugu horeysay ee ciyaar ay marti yihiin tan iyo bishii Aprill, waana guushii sideedaad ee 9 kulan oo xilli ciyaareedkan ciyaareen tartamada oo idil.

Terry, oo taageero ka heystay tababare Andre Villas-Boas oo la xiriirtay arimaha lagu heysto ee fuquuqa ayaa Chelsea gool hogaanka ugu dhiibay bilowgii ciyaarta, lakiin markii ay aheyd 3-3 ayaa waxaa ka farabaxsatay baas uu ka helay Ashley Cole isagoo lahaa koontarool, lakiin waxaa ka faa’ideystay Van Persie.

Frank Lampard ayaa goolka hore u furay kooxda martida loo ahaa, waxaana barbareeyay Robin Van Persie ka hor inta uusan Terry hogaanka u dhiibin Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta.
MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com  Ahmed ali Qaahira

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed