Real Madrid iyo Barcelona oo guul isugu faanay iyo Xidiga Ronaldo iyo Messi oo isku jawaabay. (Daawo Sawirada)
Kulamo aad u xiiso badan oo ka tirsan koobka horyaalka wadanka Spain ee Primera Division kuwaasi oo ahaa ciyaaro aad u xiiso badan.
Kooxda caanka ah ee Real Madrid ayaa waxa ay ku bar baratay kooxda Rayo Vallecano waxa ayna kaga adkaatay dhusdarsin goolalal ah.
Naadiga Real Madrid ayaa 6-2 waxa ay kaga guuleesatay kooxda Rayo Vallecano.
Ciyaartaan ayaa waxaa si aad ah kaga dhex muuqday ciyaaryanka caanka ah C. Ronaldo kaasi oo sadax gool u dhaliyay kooxdiisa.
Guusha ay gaartay Real mid la mid ah waxaa gaaray kooxda Barcelonaoo 5 – 0   kaga guuleesatay naadiga Atletico Madrid.
Ciyaarta Barka ayaana waxaa ka dhex muuqday xidigi ugu laacibsan kooxda Barka ee Messi kaas oo asna saxad gool u dhaliyay kooxdiiska Barcelona
Sidoo kale waxaa la ciyaaray kulamo kale
Athletic Bilbao   1 – 1 Villarreal
Sevilla      1 – 0 Valencia


