|

Manchester United oo afka ciida u dartay Chelsea iyo Tottenham oo u awood sheegatay Liverpool

Iyadoo ay maanta ahayd Axada Weyn ( Super Sunday) ee horyaalka Ingiriiska, ayaa waxaa dhacday cayaarta Classic Game oo ay fooda isku dareen Man United Iyo Chelsea. cayaarta oo ka dhacaysay Garoonka Riyada ee Old Trafford ayaa kooxda Man United waxaa u rumowday riyadoodi ka dib markii ay 3—–1 afka ciida ugu dareen kooxda Chelsea.

Qaybta hore ee cayaarta ayaa ku bilaabtay dar dar xoog leh iyadoo kooxda Man Uinted ay markiiba jaanta isla heleen. Chris Smaling ayaa goolasha u bilaabtay Man United ka dib markii uu gool madaxa ku xereeyey daqiiqadii 8aad, Man United oo u muuqatay in ay ku gacan sareeyaan maamulka kubada ayaa waxaa goolka labaad u dhaliyey Nani daqiiqadii 37aad iyadoo uu goolka saddexaad raaciyey Rooney daqiiqadii 45aad, qaybta hore waxay ku soo idlaatay 3—-0 ay ku hogaaminayso Man United.

Qaybta dambe ee cayaarta ayaa kooxda Chelsea ku bilaabeen dar dar xoog leh iyadoo daqiiqadii ugu horeysay uu gool u dhaliyey Fernando Torres. goolkan ayaa rajo geliyey Chelsea waxayna isku dayeen in ay cayaarta dib ugu soo laabtaan, balse Man United ayaa ka diiday oo sii waday cayaar wanaaga iyo weerarada aan kala go’a lahayn oo ay ku qaadayeen goosha Chelsea. daqiiqadii 57aad ayaa Man United Rigoore heleen balse waxa cunay Rooney ka dib markii uu siibtay laadka kubada ka hor, iyadoo wax yar ka dib uu fursad dahabi ah iska khasaariyey Torres oo kubada la dhaafay goolhayaha Man United De Gea, balse wuxuu ku guul daraystay inuu goosha oo faaruq ah kubada dhex dhigo , sidoo kale fursad dahabi ayaa waxaa iska khasaariyey weeraryahanka Man United ee Berbatov, si kastaba cayaartu waxay ku soo dhamaatay 3—-1 ay guusha kula hoyatay Man United.

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa waxay guul daro weyn kala kulantay kooxda Tottenham oo ay ku wada cayaareen garoonka Tottenham ee White Hart oo ku yaal London. Tottenham waxa goolasha u kala dhaliyey Adibayor daqiiqadihii 68 iyo 90, Luka Modric daqiiqadi 7aad iyo Defoe daqiiqadii 66aad. waxaa kaarka casaanka la siiyey labo cayaaryahan oo ka tirsan Liverpool kuwaasoo kala ah Charlie. Adam daqiiqadii 28aad iyo Skrtel daqiiqadii 63aad, cayaartuna waxay ku soo dhamaatay 4—–0 ay ku adkaatay Tottenham.

Manchester City oo dar dar xoog leh ku bilowday xili ciyaareedkan ayaa waxaa taako u dhigtay kooxda Fulham ka dib markii ay ka ciriirsatay barbaro 2—2 ah. Man City oo labada gool ku hormartay ayaa laga dab yimid oo labada gool oo barbarada laga dhaliyey. Man City waxaa labada gool u dhaliyey Sergio Aqauro daqiiqadihii 18aad iyo 46aad halka Fulham ay labada gool u kala dhaliyeen Samora daqiiqadii 56aad iyo Murphy daqiiqadii 75naad, cayaartuna waxay ku soo gabagabowday 2—-2.

Kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska

Man United 15 dhibcood

Man City 13 dhibcood

Chelsea 10 dhibcood

MaakhirNews.com maakhirnews@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed