|

Maansada Maanta Dawladnimo Waxa Tiriyey Abwaanka Abdulahi Mursal Warsame Xagar

Abwaanka abdullahi mursal warsame xagar. Markuu. Arkay  hogaamiyayaasha  somaliyeed  habsocodka ay uwadaan  hanaanka  dawladnimo  oo ah mid laga   habaabiyey    hilinkii  loogu tala galay  Macnaha  dawladnimo

 

 

DAWLADNIMADU  WAA DAYAX  QORAXOOKALE   DEEQA  ILAAH DADKA  SIIYEYOO   AAN LADIIDIKARIN

DAWLADNIMADU  WAA  DALKEENA  WACAN  WUXUU  

DOONAYOO   LA  DAAN DAAN SANYAHAY

DAWLADNIMADU  WAA   DADKOO  NABAD  KUDHAQAN  DEGENAAN   KU  NOOL

DAWLADNIMADU WAA   SHICIBKOO  DANTOOD  WADA  DOONAYOO   ISKU DUUBANOO  WADA DUULAYOO DIBIN DAABYO  JIRIN

DAWLADNIMADU    WAA DUQAY  IYO  CARUUR   DUMARKEENA OO  LOO DADAALAYOO DARYEEL FIICAN HELA

DAWLADNIMADU  WAA   DUGSIYADOO  LAFURO  LOO DAREERAYOO  DIRAYS  LAGU  DHIGTAAA

DAWLADNIMADU  WAA        DAAFAHA  CARIGA  BADAHEENA  DEDAN  KALUUN  UU DAFYAHAY  LA DILAALINOO DERISKANA  LA DHIBIN

DAWLADNIMADU  WAA   DAHABKEENA  OO  DUSHA  LAGA  JIROO  DUBLAMAASI  GURAN

DAWLADNIMADU  WAA   DUUNYADEENA OO  DEGAAN  LAGU  DHAQOO  DAALNA  AANU  HELIN

DAWLADNIMADU  WAA  DUURJOOGTA  OO  DEYRLAGU  XIDHOO  DABLEY  LOO QORAA

DAWLADNIMADU  WAA  DALAGEENA OO  DAAD QAADINOO  DALAB FIICAN HELA

DAWLADNIMADU  WAA     DEKADOOHOO  FURAN  WAXNA  LAGA DIRAA  WAXNA  SOO DEGAAN

DAWLADNIMADA  WAA  DOOKHAAGA  OO QOFNA  DIIDINOO  MIDNA   DAAYA  DHIHIN

DAWLADNIMADU  WAA  SHIQSIGII  WAX DHIMA DEG DEG LOO XIDHOO  DENBIGANA LA NOCO

DAWLADNIMADU  WAA   QARANKEENA  DUMAY  DIB LOOSOO DHISOO  DULMI  AANU DHICIN

DAWLADNIMADU  WAA  DAADIHISKA QUDHA  BULSHO  DABA GASHOO  DAACAD  LOONOQDAA

DAWLADNIMADU  WAA    DOORASHO  LAGALO  DIBNA  LOONA  DHIGIN   KURSI  DAMACSANUHU DAABACO ARJIGA  DADWEYNAHA TUSOO  WAXNA   DABA MARTAYN

DAWLADNIMADA WAA SIYAASADA DEGAN  DIBADA  IYO  GUDO  

DAWLADNIMADU  WAA  DAREEN  IYO  WANAAG  DULA  LAGU DHAQAA

MAAKHIRNEWS.COM

 

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed