|

Gabay:Lamagac baxay XADGUDUB oo uu tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (a/ shine

Gabaygan XADGUDUB abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (a/shine) wuxu ka tiriyey xaaladda murugsan ee ka jirta degaammada Puntland, halkaasoo colaad, dil, afduub iyo fidno muddaba ka aloosnayd. Abwaanku waa samadoon, wuxuna ilaahay uga rejeynayaa inuu colaadda ugu bedelo nabad, cudurradana caafimaad, iyo dadkoo isku duubni yeesha qabyaaladdana ka fogaada. Gabaygu wuxu si gaara u tilmaamayaa maaddaaba, maammulkii Puntland u xuub siibtey mid hal reer ku amar ku taaglaynayaan, in markii sidii ay ka fursan weydo la yeelo, oo beeluhu dib isugu tashadaan. waa in beel waliba talo gaarto, ka dibna go’aanka la qaybsato beelaha kale ee ay walaalaha yihiin. Akhris wanaagsan.

Wuxu yiri:

Warka Maxamedow xaafadaha xulaya oo yaalla

Xogta waxan ku haynaa Puntland xoortay samihiiye

Xadhka furatay goortii qabiil loo xakaabsadaye

Xoorkiyo bahdii waxan ahayn ma xammilaayaane

Xantadana masiiyaan cidaan lagu xigaalayne

Haddii aanay xagan aadamaha ama xajiimaynin

Ama Xabashi loo dhiibinoo xawda laga goynin

Xaashee middaa lagala daal xuubsatada jaane

Wiilyohow xad gudub baa ka jira sida xaqiiqeede

Xeer-beegti loo saarayana xaalku noqon waaye

Xadhkihii ammaankiyo kolkii nabaddii xuurtoowday

Xukunkiina qola-qola noqdoo la isku xayndaabay

Xasuuq maatadii lagula kacay xerana loo ooday

Hadba duul xigaala ah colaad lagu xuluulsiiyey

Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?

Xayaatiyo haddaan loo sinnayn nolosha xaygeeda

Xilka qoys ku wada gaadhan yahay xananka mooyaane

Dekeddii ku xeermeen cid qudhi xila fur ay gaadhay

Wax kastoo xasaanleba haddii xeelad lagu qaatay

Oo ay xiita maandeeq bah qudhi xooxda kaga maasho

Xaruntii dhaqaala leh kolkii loo xidhma xidhmeeyey

Xatooyadii tacliintii Turkigu nagu xannaaneeyey
Waa eexda tii ugu xumayd qaabkii loo xulaye

Xiqdiqii Juxaa uu ku kacay waa xisaab dhimane

Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?

Xabbiskiyo dilkaa joogtadiyo dhiigga xamashleeyey

Xolodkaa fidnida ee dhexyaal wada xigaal miidhan

Masjiddada xinjiro lagu qubay Eebbe xaramkiisa

Argagixisannimo lagu xujayn meeshi la xumaysto

Waa xaal gundheer iyo waxaan xal ugu toosnayne

Xarigii Ilaahay nin jaray xeebashood malehe

Xabiibnimiyo wada dhalasho iyo xaad gobeed malehe

Xabashida rafiiq nimay noqdeen oo xodxodanaaya

Xirfad ay shisheeyuhu wataan xidid ku aaneeya

Xoogaggeer (PIS) calool xaawilka ah xaasha waa ugube

Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?

Qarankii xalaaleed kolkii xididka loo siibay

Xaram dawladnimo laga tegiyo Calan la xaaleeyo

Xamar godobtii tiilliyo wixii xaqa la waydaartay

Xaf-goosiga kuwii doonayee cadowgu xooleeyey
Xarbi inaan la galo waajibbaa igu xadaysnaaye

Xejinteeda gobannimo kolkay xuurtu kici weydey

Xuddun inaan dhisnaa bay ahayd lagu xasuustaaye

Soomaaliya xumaantiyo dhibtii laga xishoon waayey

Xilkasnima darradii ay dhashiyo xulafaday eedday

Xabaashay ku dalam tari hadday tanina xaabayso

Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?

MaakhirNews MaakhirNews@hotmail.com mabdalle@gmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed