|

Barcelona oo cagta marisay Osasuna iyo Inter iyo Roma oo is mari waayey

Garoonka Camp Nou ayaa caawa waxaa ku wada cayaaray Barcelona iyo Osasuna asbuuca saddexaad ee horyaalka Spain ee La Liga. Barcelona ayaa 8—–0 cagta ku marisay Osasuna. waxaana goolasha kala dhaliyey Messi oo saddexley ama Hattricka dhaliyey, D. Villa oo labo gool saxiixay halka Fabregas iyo Xavi ay min hal mar booqdeen shabaqa Osasuna, gool kale difaaca Osasuna ee Roversio ayaa iska dhaliyey.

Barcelona inkastoo asbuuci hore ay barbaro la gashay Real Sociedad iyo asbuucan oo AC Milan barbaraysay haddana waxay caawa muujisay sida ay weli u awood badan tahay ka dib markii ay caawa soo bandhigeen cayaar wanaag lala yaabay iyagoo kubada u diiday kooxda Osasuna in ay lug saaraan inta badan cayaarta sidoo kale cayaaryahanka dhowaanta ka yimid Arsenal ee Fabregas ayaa u muuqday inuu hab ciyaareedka kooxda Barca si wanaagsan ula qabsaday gaar ahaan waxay aad isu fahmeen weeraryahanka weyn ee Messi.

Dhinaca kale Inter oo maalamahan dhibaato haysato ayaa garoonkeeda San Siro barbaro kula gashay naadiga kale ee isna jiitamaya ee AC Roma iyagoo isku mari waayey 0—-0. natiijadan ayaa ah mid soo dedejindoonta in tababaraha Inter Gasperini oo shaqada waayo isagoo shantii cayaarood ee ugu horeysay intii uu xilka qabtay uu guuldaro la wada kulmay iyo caawa oo Inter gurigooda lagu barabareeyey.

MaakhirNews MaakhirNews2hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed