|

Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Jaangoysay qiimaha wicitaanka tellefoonada

Wasaaraha Warfaafinta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqanka ee Puntland ayaa soo saartay qorshe la sheegay in muddo lagu taameyey kaasi oo lagu sameeyey khidmado Go,an oo lagu jaangownayo Telefoonada la isku woco Gudaha iyo debeda.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Axmed Cali Askar oo shir jaraa,id ku qabtay xaruunta wasaarada ee Garoowe ayaa waxaa uu ku dhawaaqay arintaani cusub higelinteeda, waxaana uu tilmaamay in ay Dowladu soo saartay xeerkaasi oo xadiidaya qiimaha la iskula hadlo ee dalka iyo debeda, kaasi oo mudo lagu taamayey.

Qiimaha khidmadeed ee ay dawladdu u jaan-gooysay wicitaanka telefonnada dalka iyo dibadda ayaa  waxaa ku lamaan khidmad gaar ah oo ay dawladdu ka sii qaadan doonta dhaqaalaha qiimaha la cayimay ka soo xarooda.

Dowlada Puntland waxaa ay qoondaysay in la iskula hadlo gudaha deeganada Puntland sidan (0.036) , halka wicidda gobollada kalena ay noqnayso (0.05), iyadoo dibaddana lagu wici-doono lacag gaaraysa (0.30).

Arintaani ayaa waxaa ay is bedel ku samayn doontaa Qiimhii hore  ee la iskula hadli jiray dal iyo debed taasi oo ay maamuli jireen shirkadaha isgaarsiinta ee Puntland iyadoona shirkad kasta ay qiimo khaas ah ku jaan gown jirtay wicitaanka khadkeeda dal iyo debed.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed