|

Wasiir katirsan engiriiska oo booqasho ku tegey Hargeisa Maamulka Halkaa Kajirana usheegay in Ictiraafku ka dhexeeyo Somali oodhan

dib u soo celinta Xasiloonidii Somaliya iyo Nabad-gelyada Geeska Afrika.

oo ah Wasiirka boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan Afrika waxa kale oo uu ku sheegay khudbada uu shalay u jeediyay golaha Wakiilada Somaliland ,inay Dawladiisu soo dhawaynayso wada hadal dhex mara maamulka Somaliland iyo shacabka ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, si xal looga gaadho Muranka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo ah mid ku salaysan Xuduuda.

Wasiirkan ka tirsan Xukuumadda Ingiriiska oo Saacadihii uu dalka Joogay kulamo la yeeshay Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Golaha Baarlamanka, waxa uu sheegay inay dawlada ingiriisku ay Somaliland kala shaqaynayso horumarinta Arrimaha Bulshada iyo ilaalinta amaanka, kuwaasoo uu sheegay inay midawga Yurub kala hadlayaan sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha ay ku bixiso UK.

Sidoo kale waxa uu yidhi “dawlada Ingiriisku waxa ay soo dhawaynaysaa in maamulku wada hadal la gasho dadka ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasoo muranka taaganyahay, waxaanu taageersanahay inay Somaliland iyo Gobolada dhexe ay khilaafkooda xaliyaan”.

Mr: Henery Bellingham mar waxa laga waydiiyay sababta ay Dawladiisu Somaliland uga taageeri wayday Dedaalka ay ugu jirto Ictiraaf raadinta, wuxuuna ku jawaabay:

“Arrinta madax bannaanida Somaliland waa mid u taala Soomaaliya, UK keliya haddii ay ictiraafto dhaawac ayay ku tahay” ayuu yiri Wasiirka Dowladda UK u qaabilsan arrimaha Afrika oo sheegay dhinaca kale in aqoonsiga dalnimo ee ay dooneyso Somaliland ay tahay mid ka dhaxeysa Soomaalida oo dhan.

maakhirnews

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

2 Responses for “Wasiir katirsan engiriiska oo booqasho ku tegey Hargeisa Maamulka Halkaa Kajirana usheegay in Ictiraafku ka dhexeeyo Somali oodhan”

  1. ali says:

    alla daya beenta ay qortay. wuxuu yidhi wasiirku oo fact ah waatan bbc somali sheegtay kuna jirto webkeeda. wuxuu yidhi arrinta somaliland waa arrin somali waxaana haboon in ay somaliland arrinkaasi kala hadasho africa. maadaama ay somalidu kamid tahay bulshada africa kolkaa africa kala xaajooda. se somali ayay u taalaa waa huuhaa aad iska samaysateen. bbc somali waa web original ah oo dhexdhexaad u ah somalida. kolkaa propogandada nagala kala daaya walaalayaal.

  2. ali says:

    beentu ma fiicna wax wanaagsana maahan ee kala daaya beenta.

Comments are closed