THE HISTORY OF ONE OF SOMALI HERO-Mohammed Abdullah Hassan
Sayid Maxamad waxa uu dhashay 1856 Gu’gii la magac baxay “Gobaysane”. Gu’gaas waxa uu ahaa Gu’ Barwaaqo ah oo dad iyo duunoba wixii dhashay Hano Qaad noqdeen. Sayid ku waxa uu ku dhashay Baliga la yiraahdo “Sacmadeeqo” oo Todobo mayl (7miles) u jirta Buuhoodle, kana xiga dhanka waqooyi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Carraseed Magan. Qur’aanka Kariimka ah waxa uu ku bartay gurigooda. Cilmiga Diinta waxa uu ka bartay xer daganayd Nugaal;oo xaruntoodu ahayd dooxada Casuura iyo Yaaheed. 1892 waxa uu u kacay Maka iyo Madiina waxayna is raaceen saddex iyo toban wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Saddex sano ama labo Gu iyo dhowr xagaa ayay ku maqnaayeen kobtaas oo ay diinta ka baranayeen. 1895 ayuu Sayid Maxammad ku ka soo dagay Magaalada xeebta ah ee Berbera, oo markaas Ingiriisku gumaysanayay. Markuu sayidku ka soo degay doontii uu saarnaa ayaa Ingiriiskii waydiiyeen canshuur. Sayidku waxa uu ugu jawaabay adiga yaa kaa qaadey canshuurtii kolkaad timid halkan.
