|

Magaalada Badhan iyo Bandhig Dhaqameed daawo Sawiro

Hablaha dhigta dugsiga sare ee Al-Furqaan gaar ahaan fasalka 3aad ee sare , ayaa kulan ballaadhan ku qabtay barxadda dugsiga , waxayna ugu magic dareen todobaadka dhaqanka . Qaban-qaabada kulankan ayaa wuxu socdey muddo todobaad ah oo la soo ururinayey aqal Soomaaliga iyo farsamadii haweenka Soomaaliyeed.

Ururinta agabka iyo farsamada aqal  Soomaaliga ayaa waxa hablaha da’da yara kala qayb galay qaar ka mid ah hooyooyinka degmada oo runtii si hagar la’aan ah u keenay dhammaan aqal Soomaaliga iyo waxa uu ka kooban yahay sida : Dermooyinka, Cawsaska , Yeelka , Gur-gurka iyo Kebdaha.

Kulankan ayaa waxa kala hablahaas ardayda ah kala soo qayb galay : Xubno haween ah oo ka tirsan golaha degaanka degmada , isu-duwaha wasaarada qoyska ee PL , ururada haweenka qaarkood, hablo dhallinyaro ah, Wakiillo ka socdey hay’adda Horn Relief iyo hooyooyin u bogsanaa arimahan cusub ee dhallinyaradani wadaan .

Khudbado kala duwan oo ay jeediyeen : Isu-duwaha Wasaaradda Qoyska Mrw : Hodon Ismaaciil Tiinbiye, Xildhibaan Faadumo Cali Nugaal , Sucaad Xasan Carraale oo ka tirsan Horn Relief , Xildhibaan Khadro Maxamed Warsame oo ku hadashay magaca haweenka bareyaasha ah iyo Xabiibo Jaamac oo ka tirsanayd koox hooyooyin ah oo gacan buuxda ka geystey hirgelinta barnaamijka , ka dib waxa halkaas lagu soo bandhigay qaar ka mid cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeso kala duwan oo ay ka mid ahayd kuwa marka caanaha la lulayo :

Haan yahay Bullooy ii bax , yaan subagga lay bidine , waa beelo ceebeede …………..

Kulankan ayaa wuxu ahaa mid xiiso badan u leh haweenka da’yarta ah ee aan wax fikrad ah ka haysan dhaqanka iyo wax qabadka haweenkii Soomaaliyeed , farsamadii iyo hees hawleedyadii gabdhaha Soomaaliyeed ku haasaawi jireen marka ay samaynayaan kebdaha , cawsaska iyo marka caanaha la lulayo. Waxan meesha ka maqnayn in la isku baraarujiyey dhirtii laga samayn jirey aqalkan sidaas u qurux badan ee dalkeennu hodonka ku ahaa iyo sida dadka aan aqoonta lahayn u gubayaan iyo dhibaatada dhuxushu degaanka ku hayso , taasoo ahayd farriinta ugu culus ee uu barnaamijkani xanbaarsanaa.

 


MaakhirNews.com    Maxamuud Ciyoon / Badhan

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed