|

GO’AANO LAGU MAMNUUCAYO GOYNTA IYO DHUXUL KA SHIDISTA DHIRTA QOYAN OO KA SOO BAXAY MAGAALADA BADHAN [+SAWIRO

Go’aano lagu mamnuucayo Goynta iyo Dhuxul ka shidista Dhirta qoyan

Kadib markii mudo dheer shir ay  u fadhiyeen Nabadoonadda, Gudiga  iyo guurtida gobolku oo ay kaga hadlayeen dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka, dhibaatooyinkaas oo ay kamid yihiin goynta iyo gubista dhirta qoyan, waxaa laysku waafaqay in xal loo helo joojinta dhibaatadaa aafeysay guud ahaamba deegaanka , waxaana laga soo saaray shirkaas qodobadan hoos ku xusan oo la rabo in la dhaqan geliyo

<!–[if !supportLists]–>(A) <!–[endif]–>Dhuxusha

Ayadoo la tix raacayo Go’aankii ku qornaa warqad ku taarikhaysan 18/12/2004, kaas oo lagu mamnuucay shidista dhirta qoyan iyo ka ganacsiga dhuxusha laga shido gobolka, goynta dhirta qoyan iyo dhamaanba wixii gobolka khatar ku keeni karo oo deegaan xaalufin ah. Cidii faldembiyeedkan gashana waxay mudanaysaa ciqaabtan ku cad waraaqdan

<!–[if !supportLists]–>1.¬†¬†¬†¬†¬† <!–[endif]–>Qofkii ged qoyan dhuxul kashida wuxuu mudanaya

<!–[if !supportLists]–>1.1¬† <!–[endif]–>Dhuxusha uu shitay oo laga gubo

<!–[if !supportLists]–>1.2¬† <!–[endif]–>Xarig dhan mudo 5 sano ah

<!–[if !supportLists]–>1.3¬† <!–[endif]–>Ganaax lagu ganaaxayo lacag dhan 15,000,000 malyan oo shilin somaali ah

<!–[if !supportLists]–>1.4¬† <!–[endif]–>Qofii ku dagaalama oo diida inuu joojiyo shidista iyo goynta dhirta qoyan wixii loo geysto waa dhismis, wuxuu isagu geystana waadushiisa isagaa qaba oo loo raacaya

<!–[if !supportLists]–>2.¬†¬†¬†¬†¬† <!–[endif]–>Cidii maal gelisa oo dhaqaale ku bixisa dhuxul kashidista iyo goynta ddirta qoyan waxay mutaysanaysaa

2.1 xarig 6 bilood ah

2.2 ganaax lacageed oo dhan 20,000,000 malyan oo shilin soomaali ah

3. Gaariga lagu qaqbto isagoo sida dhuxul ama lagu cadeeyo isagoo                                                                                                            caadeystey dhuxul gurida   go’aan kadib wuxuu mutaysanaya ciqaabtan

             3.1 dhuxusha saran oo lagubo dhamaanteed

             3.2 ganaax dhan 9,000,000 oo shilin soomaali ah

             3.3 gaariga lagu qabto ciidanka ayaa ku shaqaysanaya mudo dhan   3 bilood      

(B) Duurjoogta Qofkii dila duurjoog wax yeelona ugeysta xayawanaanada ay kamid ka yihiin Deerada, Girayada,. Garanuugta , Cawsha, Biciidka, Bayracda, Sagaaradda IWM. Wuxu mutaysanayaa ciqaabtan

<!–[if !supportLists]–>1.¬†¬†¬†¬†¬† <!–[endif]–>ciddii duurjoog laysa oo dhibaato ugeysata xayawaankan dilkooda lamamnuucay

1.1 xarig dhan 6 bilood ayuu mutaysanayaa

1.2 ganaax dhan 15,000,000 oo shilin soomaali ah

Go’aankani wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo  10/2/2011

xigasho  HADAAFTIMO+MAAKHIRNEWS

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed